Tallaabooyin cusub oo lagu soo rogay duullimaadyada Maraykanka aada

Tallaabooyin cusub oo dhanka amniga ah, oo saamaynaya duullimaadyada Maraykanka aada ayaa dhaqan galaya, kuwaasoo maamulayaasha Maraykanku ay sheegeen in looga gol-leeyahay in lagu yareeyo khatarta qaraxyada la soo qariyo.

Waxaa ka mid ah Baaritaanno dheeraad ah oo lagu samaynayo rakaabka iyo qalabka elektroonigga ah.

Qiyaastii 2,000 oo duullimaad oo maalin kasta ka kala yimaada ilaa 100 dal ayey arrintan saamayn doontaa.

Qaar ka mid ah saraakiisha dayaaradaha ayaa walaac ka muujiyey in baaritaannadaas ay sababi karaan dib u dhacyo, ayna horseedi karaan qiimaha oo sare u kaca.

Talaabooyinkan ayaa lagu soo rogayaa dhamaanba duullimaadyada aadaya Maraykanka, sida ay sheegtay waaxda amniga gudaha.

Waxa ay baddalayaan xannibaaddii lagu soo rogay kombiyuutarrada gacanta ee lala raaco dayaaradaha ka imaanayey 8 dal oo islaamku u badan yahay, taasoo xukuumadda Maraykanku ay ku dhawaaqday Maarso, hase yeeshee ay muddo ka dib ka laabatay.

Tallaabooyinka cusub ee la soo rogay waxaa ku jira su’aalo gaaban oo amniga la xiriira oo lagu weydiinayo rakaabka halka ay iska xaadirinayaan marka ay madaarka yimaadaan, iyo marka ay galayaan irridda dayaaradda.

Dayaaradda saldhigeedu yahay Hong Kong ee Cathay Pacific waxay sheegtay in ay joojinayso is xaadirinta ay dadku ku samayn jireen magaalada gudaheeda iyo alaabta xamuulka ah ee ay iskood u xaraysan jireen, waxayna dadka safraya kula taliyeen inay madaarka yimaadaan seddex saacadood ka hor xilliga safarka.

Maraykanku wuxuu weli xayiraad xagga safarka ah ku hayaa 8 dal oo kala ah Iran, Libya, Suuriya, Yemen, Soomaaliya, Kuuriyada waqooyi, Venezuela iyo Chad.

Xayiraadda Venezuela saaran ayaa khusaysa saraakiisha xukuumadda iyo qoysaskooda oo kaliya.