Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay Musiibadii Zoobe iyo qodobo kale

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar). Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017, Geeridii General Maxamed Abshir Muse, Geedisocodka Deyn-Cafiska iyo arrimo kale.

Ugu horreyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dhacdadii 14ka Oktoober ay aheyd dhacdo xannuun badan kana codsaday Guddiga Gurmadka Qaran inay warbixin ka siiyaan golaha wasiirada Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017.

Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystay Guddiga Dhalinyarada Is-xilqaamay ee Gurmad Qaran oo ka warbixiyey howlaha muhiimka ah oo ay qabtaan tan iyo 14kii Oktoober oo ay abaabuleen dhalinyarada dalka gudihiisa iyo dibadiisa, isla markaasna si hagar la’aan ah ugu gurmaday dadkii waxyeeladu soo gaartay.

Guddiga ayaa u mahadceliyey dhammaan cidwalba oo gurmadka ka qeyqaadatay gaar ahaan dhalinyarada, Guddoomiyaha Gooblka Benaadir, Bahda warbaahinta, gaar ahaan SNTV oo si toos ah bulshada uga soo tabineysey xarunta gurmadka. Sidoo kale waxaa la ammaanay doorka Soomaalinimada ah ee la muujiyey oo ay Dowlada Federaalka hormuud ka aheyd.

Agaasimaha Socdaalka & Jinsiyadaha oo dhaawacyada u diyaariyey baasabooro lagu qaaday. Sidoo kale waxaa la ammaanay dhaqaale ururinta ka socota dalka iyo gudihiisa, gaar ahaan Boosaaso iyo Nairobi oo dhaqaale looga aruuriyey.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Sii Hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey safarkii Madaxweynaha uu ku tagey Uganda, Ethiopia iyo Djibouti oo si guul ah ku soo dhammaaday, laguna heshiiyey in ciidamda Xooga Dalka iyo kuwa AMISOM ay si wadajir ah uga wada qeybqaataan dib u xoreynta dalka si kooxaha argagaxisada ah looga sifeeyo dalka oo dhan.