Milatari Sh/Hoose la geeyay iyo Al-Shabaab oo Wabiga u adeegsanaysa xoog ay isaga celiyaan Ciidanka Dowladda.

Qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa la geeyay Gobolka Sh/Hoose, kuwaasi oo ah kuwo si aad ah u hubaysan, waxayna ciidamadaan dagaal ku qaadi doonaan Deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolkaasi.
Ciidamadaan Mileteriga ayaa ku hubaysan Hub culus sidoo kalana Ciidanka ayaa la geeyay degmooyinka Afgooye, No: 50 iyo Garoonka Bali doogle iyo degmooyin kale, iyagoo u diyaar garoobaya inay la dagaalamaan Al-Shabaab.


Ciidankaan ayaa la sheegay inay diyaarsan yihiin, waxaana la socda dhaqaatiir Caafimaad, waxaana dhinaca Cirka ka caawin doona diyaarado dagaal, waxayna sugayaan oo kaliya amar ka soo baxa Dowladda Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in dadka deegaanka Sh/Hoose ay ku amrayaan inay jibiyaan Kar kaarada ama jiinka Wabiga si dhulka uu u noqdo dhiiqo, looguna dagaalami waayo haddii ay Ciidanka dowlad weerar ku soo qaadaan Goobaha Al-Shabaab ay maamulaan, iyadoo Al-Shabaab inta badan wadooyinka Gobaalkaasi ku aasen Miinooyin , iyagoo ka baqanaaya Ciidanka Dowladda.
Maalmihii la soo dhaafay Al-Shabaab waxay qarxiyeen ilaa dhowr Gawaarida Cagaf Cagafta oo dadkii lahaa ay diideen inay kiciyaan si godad loogu qodo wadooyinka gobalka ama loo jaro Wadooyinka, iyadoo la soo sheegayoinay Shabaabku kaxaysteen dadkii watay gawaarida Cagaf Cagafta ah diiday inay Wadooyinka ay ku jaraan.
Dhanka kale Saraakiisha dowladda ayaa dadka uga digay in Shacabka ku nool gobalka kuwa ku safra inay taxadar muujiyaan xiliyada ay Is ticmaalayaan Wadooyinka hadii aysan ka baaqsan Karin Isticmaalkooda.