Dagaal khasaare geystay oo ka socda deegaanada Bari ee Gobolka Mudug

Dagaal khasaare geystay ayaa lagu soo waramayaa inuu saaka ka bilowday deegaano hoostaga Gobolka Mudug, gaar ahaan dagaalka ayaa ka socda Deegaanka Caliwaal.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya dhinacya kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug waxaana dagaalka lagu sheegay inuu yahay mid ka culus kuwii horey uga dhici jiray deegaanadaasi.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac inkastoo aan la shaacin tirada saxda ah ee dhimashada iyo dhaawaca soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka hadashay dagaalka saaka markale kasoo cusboonaaday Deegaanada hoostaga Bariga Gobolka Mudug.