Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku kala bixiyay wadamada Jabuuti Itoobiya iyo Uganda oo ciidamadooda joogaan Soomaaliya.


Madaxweynaha ayaa ayaa sheegay in guulo ay ku soo dhamaadeen dhamaan safaradii dalakaasi uu ku tagay wuxuunasheegay inay ka aqbaleen sidii ay Soomaaliya uga gacan siin lahaayeen dagaal cusub oo lala galayo Al-Shabaab.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in marna Dowladda Soomaaliya aanay u dulqaadan doonin gumaadka Shabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed,isagoo muujiyaya sida dowladdu ay uga go’an tahay in laga saaro dalka oo dhan.