Wafdi uu Hogaaminaayo Ra’iisal Wasaare Kheyre oo maanta ku wajahan Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde isaga oo ku sii jeeda magaalada Ankara ee dalka Turkiga.


Saraakiisha xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in maanta Ra’iisul wasaare Kheyrre wadanka Turkiga u ambabixi doono, isaga oo halkaasi kula soo kulmaya Madaxda dalkaas ugu sareysa sida Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Binali Yildirim.

Dhanka kale safarka Ra’iisul wasaare kheyre ayaa lagu sheegay sidii uu dowlada Turkiga ugala soo hadli lahaa ishkaashiga xoojinta xiriira labada wadan, oo ay ka mid yihiin arrimaha dhaqaalaha, taageerada Soomaaliya ee Turkiga, iyo arrimo kale.