Jariirada The Guardian iyo Dowladdu iima kala Roona!!

Jariidada The Guardian oo ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa dhawaan Daabacdey Qoraal ay uga hadlayso Qaraxii Arxan darada ahaa ee Isgoyska Zoope, waxayna Jariidada Afka ku balaarisey in Qaraxaasii loogu Aar-gudanayey Weerarkii ay ka dambeeyeen Ciidamada Maraykanka oo gacan ka helaya kuwa Dowlada Soomaaliya, oo ka dhacay Bishii Augost Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose iyadoo Jariidada soo xigeyneysa Saraalkiil ka tirsan laamaha  Amniga ee Dowladda Federaalka oo magacooda ka gaabsaday.

“Inagoo ka war Sugeyna Baaritaankii Dowladu  sheegtey in ay ku sameyneyso Dadkii lagu laayey deegaanka Bariire oo  la ogayahay in Dowladu  markii hore sheegtey in dadkaas  la laayey ay ahaayeen  Al-Shabaab  oo waliba la ognahay in aysan jirin Cid loo Ciqaabey Dhacdadaas oo Dowlada ka tirsan,  ayaa hadana waxaa nasiibdaro ah in nalagu eedeeyo in aan ka dambayno Qaraxii naxariis darada ahaa ee 14 Octobar ka dhacay Magaalada Muqdisho” sidaa waxaa yiri Xildhibaan  Mahat Dhoore oo ka tirsan Xildhibaanada Dowled Goboleedka Koonfur Galbeed. waxaana uu intaa sii raaciyey.

“Is qarxis noocuu doono ha ahaado waxaa lagu yaqaanaa Al-Shabaab iyo Daacish, sidaa darteed waa wax  Caqligu diidayo in dad Masaakiin oo dadkoodii la laayey oo Dowladoodii ka war Sugaya la yiraahdo waxay ka Aarguteen dad kale oo Masaakiin ah”. Mudane Dhoore waa uu sii hadley waxaana uu yiri.

“The Guardian iyo Saraakiisha dowlada oo ay soo Xigatey nooma kala roona, warkaasina waxaan ku tilmaami karaa mid Cadaawad Gaamurtey ah oo dad Gaar ah loo hayo, Sababatoo ah waxaan la Xiriirney Jariidada Guardian waxay sheegeen in aaney Cududaar ka bixineyn warka Beenta ah ay qoreen waxayna ku andacoodeen in ay u Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Dowlada Federaalka oo aaney Carabaabin”.

“Soomaalidi waxay Tiraahdaa  Aamusnaantu waa Qayb ka mid ah Raali ahaanshaha, Sababtuna waxaa weeye dowladu kama hadlin Eedeynta  loo soo jeediyey Dadka reer Bariire taasina waxay na gelineysaa Shaki kale, si loo shaki baxo Dowlada waxan ka dooneynaa in ay deg deg uga jawaabto Warkii Jariidada The Guardian”.

Ugu Dambeyn Waxaa uu sheegey in Shacabka Shabeelada Hoose dhibaatadii loo sii kordhiyey ka dib markii uu Madaxweyne Faramaajo dagaal Iclaamiyey “Markii uu soo yeerey warka dagaalka waxaa dhacdey in  Shabaabku dadkii Beeraleyda ahaa ku amraan in ay jaraan oo Caro Tuur ku sameyaan dhamaan Jidadka soo gala Beerahooda Biyana ku furaan dhulka oo dhan, ninkii ugu horeeyey ee ka Caga jiidey Amarkaas waxaa laga gubey Matoorkii Beerta iyo Cagaftiisii”.

 

WQ. Cabdinaasir Xersi iidle

Mail. naasirx1@gmail.com

Tel. 00252515503978