Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaano Al-Shabaab ka talin jireen.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Bakool ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay kala wareegeen deegaano ka tirsan Degmada Xudur ee Xarunta gobalka Bakool sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.


Saraakiisha gobalka ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan duleedka Degmada Xudur ee Gobolkaasi Bakool oo ay saldhigyo ku lahaayeen Al-Shabaab
Goobaha laga qabsaday Al-Shabaab ayaa waxaa ka mid ah Tuulada Toor Toorow oo Shabaab ay gacanta ku hayeen sanadihii la soo dhaafay,waxaana la sheegay inuu halkaasi ka dhacay dagaal waqti kooban socday.

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bakool C/laahi Maxamed Nuur Xuseen ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dagaalkaasi Shabaab ay uga saareen degaanka Toor toor uu saakay dhacay dagaalkaasi.