Ciidamada AMISOM oo weerar culus lagu qaaday iyo War ay ka soo saareen dagaalkaasi.

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus iyo Qarax isla socda in lagu weeraray Ciidamada AMISOm iyagoo maraya deegaanka Carbiska ee Gobolka Sh/Hoose.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Wilson rono, wuxuu sheegay in qarax iyo dagaal toos ah ay la kulmeen ciidamada AMISOM, laakiin wuxuu sheegay inuusan xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.


“Ciidamadeena oo marayay meel u dhow degmada Afgooye ayaa waxay la kulmeen qarax iyo dagaal toos ah, iyadoo ciidamada ay sameeyeen iska caabin, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarka, dib ayaan ka soo sheegi doonaa macluumaadka saxda ah” ayuu yiri Wilson Rono.

Dhanka kale mas’uuliyiinta dowlada ee Gobolka Sh/Hoose oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in wali aan la kala cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo dagaalka, balse ay wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen.