Yaa Arkay? Xildhibaan Baadi ah!!!

Aaway xildhibaankii shalay kuu gaday cimaamadda ee aad gobalka geeysay, loo soo doortay Xildhibaan qaran?

Ma hayaa dan qofeed? Mid qabiil? Mid qaran?. Mise waaba la la’yahay, lama arko, talefonkana ma qabto. Kaligaa ma ahan, Dibirtaanu waa kugu dhacday ee mustaqbalka ka fiirso qofka ku matalayo.

Asagiina kii oow sii doortay ayaa u gooyay.

( markii aan yareeyn ayaan baadiyaha ku fiidsan jirnay, Kobasheey cadale ama Googaaleeysi ahaa ” leey bood booti leey baal baali haddii leeyga bego, boowd leeygu tuur” waxaa lagu fasiri jiray ” Kasha badarka lagu tumo”.

Qore: Yahya Amir