Falanqeyn: Sidee dadka loo dhisaa iyagaa dalka dhisanayee

Dadka iyo dalka soomaaliyeed wuxuu leeyahay laba wabi oo wax lagu beerankaro wuxuu kaloo leeyahay laba badood oo aad looga kaluumaysan karo waxaa ku nool xoolaha la dhaqdo inta ugu badan Qaarada Afrika.

waxaa kaloo jira in dadka soomaaliyeed ee Qormaha ku nool lacag badan oo dolarka adag$ ah u soodiraan soomaaliya. dhulka soomaaliyeed intiisa badan waa cidlo dad kuma noola. Dhibaato dhul yaraan ama dadkoo badan maqabnoWaxaa oo nasiib ah oo ilahay dalka iyo dadka soomaaliyeed siiyey.

waxaa looga faa’iidaysan waayey ?

Hadaan Falanqeyn tayda ku muujiyo Qodobkan
waxaan wali la helin siyaasi soomaaliyeed oo
kala garta waxa laga sugayo inay yihiin inuu dalka horumariyo

ilaa maalinta aan xoriyada qaadanay madaxdii nasiibka u heshay inay hogaanka madaxweyne helaan waxay ku mashquuleen sidey u xajis lahaayeen hogaanka ay haystaan waxaad fikradan cadeyn u ah Akhri Taariikh dooda.

Waxaan falanqeyn tayda ku soo gaba gabeynayaa Waxaa Shirweynaha ka faa’iideysiga Kheyraadka Badda ka furmaya magaalada Garoowe.

Shirka waa shir muhiim u ah dhaqaalaha soomaaliya hadii loo helo siyaasad dhaqaale oo wanaagse.

Dadka soomaaliyeed inay laba badaad leeyihiin haystaan khayraad badan oo aad u badan arinksan Shacabka soomaaliyeed wax wacyigalin ah ama aqoon badeed ah waligood may helin

Khayraadka bada waa waxa ugu fudud aduunka ee aan u baahney Dhaqaalo badan oo loogu soo saaro wuxuu aad ugu fudud yahay wax soo saarka beero ama xoolaha loo dhaqdo

Markaa waxaa iska cad in hogaan xumada iyo dawlad xumada aan ka dhaxalay ilaa maalintii aan xoriyada qaadaney. ay wali jirto. taas oo aan ku tilmaamayo (Kartidaro iyo aqoonla’anta hogaanka wanaagsan)

Waa in dadka waxgarda ah xooga saaraan in dalka iyo dadka marka hore dadka laga dhisaa xaga aqoonta nolosha. Iyagaa dalka dhisan kara.

Qormadii: Maxamed Caalim