DEG DEG: Qarax ka dhacay Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax.

Sida inoo xaqiijiyeen dadka degaanka Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Saldhigga Magaalada Boosaaso.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxaasi uu ahaa Ismiidaamin uu sameeyay qof naftiisa biimeeyay.

Ciidamada ammaanka Puntland oo goobta soo gaaray ayaa iyagu bilaabay howlgallo, iyadoo la sheegayo in qaraxa uu geystay qasaarooyin kala duwan.