Al-Shabaab oo Xalay dagaal ku qaaday fariisimada Ciidamada Dowladda ee Afgooye.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Dhanka Bari.

Al-Shabaab ayaa Dagaalka ay ku soo qaadeen Degmada Afgooye waxaa barbar socday Bambaanooyin ay ku Garaaceen fariisimaha Ciidamada Dowladda,waxaana sidoo kale halkaas ka dhacay dagaal muddo kooban socday oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.


Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa Saxafadda u sheegay in Shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen Degmada Afgooye,balse Ciidamada Dowladda ay iska celiyeen.

Dhanka kale lagama war hayo Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray labada dhinac inta uu dhan yahay,iyadoo sidoo kale aan la ogeyn Khasaaraha Dadka Shacabka ah ka soo gaaray Dagaalka.