Munaasabadii Caleema saarka Madaxweynaha Hirshabeelle oo la soo gabgabeeyay.+Sawiro

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in goor-dhow lagu soo gaba-gabeeyay halkaasi Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Hirshabeelle oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin kala Duwan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xaliso Khilaafka kala dhaxeeya maamulada, isagoo sheegay in xukuumadiisa ay xoojin doonto Nidaamka Faderaalka dalka ee hadda ay ku dhaqanto Soomaaliya.
“Hadii shaki idin kaga jiro, waxaa hortiina ka balan qaadayaa in aan xoojin doono federaaleynta dalka”, isagoo sheegay in Madaxda maamulada iyo dowladda Dhexe ay wada hadli doonaan, islamarkaana xal buuxa la gaari doono.
Ra’iisul wasaaraha ayaa mar kale yiri ”Waxaan Idin kugu bishaareynayaa in Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federalku aysan meelna kala aadeyn”
Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa iyana halkaasi ka hadlay oo sheegay inay ka shaqeynayaan midnimada Ummadda Soomaaliyeed, iyagoo sidoo kale Alle uga baryay madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele Maxmad Cabdi Waare inuu ka soo dhalaalo Xilka cusub ee maanta loo dhaariyay.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michael Keating oo si weyn ugu amaanay Shacabka Soomaaliyeed, Madaxda dalka iyo Beesha Caalamka Gurmadka ay u sameeyeeyn dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wuxuuna Michael Keating ugu baaqay in Midnimadaas loo adeegsado Hormarinta dalka iyo Nolosha dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Soomaaliya ay hormar badan sameyneyso, wuxuuna isbarbar dhigay sanad ka hor sida ay aheyd Soomaaliya iyo hada isagoo sheegay Hormar iyo dhismo badan uu ka socdo Muqdisho, Jowhar iyo Magaalooyinka kale oo dalka ah.