QM oo ka digtay in Dowladda Soomaaliya Askaraynta Caruurta.

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay kulan socday muddo 12-maalin iyadoo tababarayaal ka tirsan hay’adda tababarada TOT ee howlgalka midowga africa Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii looga hortagi lahaa askareynta caruurta goobaha dagaalada ay ka socdaan.


Tababarkaasi waxaa ka qeybgalay 23 wakiil oo ka kala socday ciidamada xoogga dalka soomaaliya ee militriga, Booliiska iyo waaxda sirdoonka Qaranka, waxaana ku wehlinayay saraakiil ka socotay dowlada federalka Soomaaliya.
Madaxa ilaalinta Qaramada Mdoobay u qaabilsan iaalinta deegaanka ee AMISOM Kareem Adebayo ayaa hoosta sheegtay in cunug walba oo Soomaaliya ku dhasha inuu khatar ugu jiro in la askareeyo,wuxuuna codsaday in la’ilaaliyo caruurta Soomaaliyeed si aysan uga lug lahaan kooxaha hubeysan.
Xubna ka socday urur fadhigiisu yahay dalka Britian kuwaa oo u ololeeya nabadda dalalka Geeska Africa ayaa waxay sheegeen inay jiraan dadaalo ay ku doonayaan soo afjaridda askareynta caruurta Soomaliyeed waxayna sheegeen in Soomaaliya ay ku qaban doonaan tababaro nuucaan ah oo loo qabanayo dadka Sooomaaliyeed.
Dhanka kale kulankan waxaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa in caruurta loogu faa’ideesto dagaalada ayaa waxaa lagu soo bandhigay xirfadaha suurta gelinaya in laga taqaluso askareynta waxayna sheegeen muhimada ay leedahay farqiga u dhaxeeya in caruurta la baro nabadda loona sheego waxa dagaaladu yihiin iyagoo sidoo kale sheegay in goobaha waxbarashada ay tahay halka ay kaga badbaadi karaan in la askereeyo caruurta.