Munaasabadda Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta Dhacaysa iyo Madaxda M/Goboledyada oo gaaray Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada ay goor dhow gaareen Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe, iyadoo halkaas maanrta ay ka dhaceyso Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.


C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ,Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa dhamaantooda gaaray Magaalada Jowhar oo ay ka socoto Xafladda Caleemasarka Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Dhanka kale waxaa halkaasi lagu wadaa inuu tago Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo isna ka qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle.