Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigii uu Hogaaminaayay oo Galabta si diiran loogu soo dhaweeyay+Sawiro

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigii uu hogaaminaayay ayaa galabta gaaray Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya, isagoo halkaas u tagay inuu kalamo la yeesho Madaxda dalkaasi.
Wafdiga uu horkacayo Madaxweynaha ayaa ka duulay magaalada Kampala ee Dalka Uganda oo ay ku sugnaayeen Labadii habeen ee la soo dhaafay, wuxuu safarkaan qeyb uu ka yahay safaro uu ku marayo qaar ka mid ah Wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan Uganda, Itoobiya iyo Dalka Jabuuti.
Dhanka kale Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay in ujeedkiisu yahay sidii uu taageero milatari uga heli lahaa Dalalka ay Ciidamadooda joogaan Soomaaliya.