Global Partnership for Education oo $5.6 ugu deeqday carruurta ku nool Deegaanada Puntland.

Garoowe:– Global Partnership for Education/Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (GPE) wuxuu ku faraxsan yahay inuu ku dhawaaqo in deeq $5.6 milyan oo Doolarka Mareykanka ah la siinayo Puntland. Deeqda waxaa hawlaheeda hirgelin doona Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland si ay wax uga qabato baahiyaha iyo culeysyada kala duwan ee waxbarashada ee guud ahaan dhulka dowlad-goboleedka ka dhisan waqooyiga bari ee dalka. UNICEF ayaa ah wakiilka deeqda,Midowga Yurub ayaa iyana ah hay’adda isku duweysa hawlaha GPE ee guud ahaan Soomaaliya.

Deeqda ayaa diiradda saari doonta xoojinta Wasaaradda Waxbarashada iyada oo loo marayo karti-dhisid iyo taageero farsamo oo ku aaddan sidii ay adeegyo taabogal ah oo hufan ay u siin lahayd carruurta la gacan-bidixeeyo ee ku nool Puntland. Waxaa ay tiigsaneysaa in ay sii xoojiso tayada barista iyo barashada iyada oo loo marayo tababarka macallimiinta, soo saarista agabka barashada ee aadka loogu baahan yahay wax ka qabashada caqabadaha hortaagan helidda waxbarashada iyada oo la bixinayo deeqo waxbarasho.

“Taageerada laga helay Global Partnership for Education waa mid ay aad u soo dhoweyneyso Puntland,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Professor Abshir Aw-Yusuf Ciise.

“Waxay gacan inaga siineysaa xaqiijinta himiladeenna ah nidaam waxbarsho oo tayo leh oo hubinaya oo dhiirrigelinayana guul ay gaaraan bartayaasha, isaga oo awood u siinaya inay helaan oo ay doortaan waxyaabo ay ku qanacsan yihiin oo ay noloshooda ku saleeyaan.”

Deeqda ayaa taageeri doonta carruur tiradoodu tahay 2,650 oo ka soo jeeda guryaha ugu saboolsan, sidaana waxay ku caawin doontaa qoysaska.

“Maalgelinta muhiimka ah ee wax lagu barayo carruurta ku dhaqan Puntland waa mid muhiim u ah samaqabkooda iyo dhisidda Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ku naallooneysa,” ayaa uu yiri Steven Lauwerier, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya. “Waxaa jirta baahi aad u ballaaran oo loo qabo waxbarashada. Qoysasku ma mooga muhiimadda ay leedahay waxbarashada oo horey ayaan u soconnaa annaga oo ka faa’iideysaneyna wada-shaqeynta wanaagsan ee aan la leenahay Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland.”

Sanadihii dhowaa, is-qorista ardayda ee iskuullada hoose/dhexe ayaa korodhey, laakiin waxaa jira carruur tiro badan oo soo geliya iskuullada waxaana xaddidan awoodda ay iskuulladu ku qaadan karaan dhammaan carruurtaas, wax badan oo kale ayaa loo baahan yahay in la qabto si loo hubiyo in ilmo kasta uu helo waxbarasho tayo leh. Puntland waxaa weli jooga 200,000 carruur ah oo aan iskuul dhigan, kuwaas oo u baahan in adeeg waxbarasho la gaarsiiyo.

“Hawsha GPE ee Soomaaliya iyo Puntland waxaa ay diiradda saareysaa sii xoojinta kartida lagu sii wanaajinayo u-sinnaanta iyo helidda waxbarasho tayo leh, iyo sii wanaajinta barista iyo barashada,” ayaa ay tiri Alice Albright, Sarkaalka Fulinta ee ugu Sarreeya ee Global Partnership for Education. “Deeqdan waxaa ay kumanaan carruur ah oo ku nool Puntland ka caawin doontaa in ay iskuullada tagaan, ay ku negaadaan iskuullada ayna wax ka bartaan macallimiin leh aqoontii loo baahnaa.

Soomaaliya waxaa ay la-hawlgale ka tirsan Global Partnership for Education ahayd tan iyo sanadkii 2012kii. Tan iyo waagaa lacag wadarteedu tahay $14.5 milyan ayaa loo qoondeeyey Soomaaliya sanadihii 2013 ilaa 2016. Maaliyadda ay hadda GPE siineyso guud ahaan dalka Soomaaliya waa ku dhowaad $33 milyan Doolarka Mareykanka ah, iyada oo $9.6 milyan ay heleyso Somaliland, $5.6 milyan ay heleyso Puntland iyo $17.9 milyan oo ayheleyso Dowladda Federaalka ah. 

Ku saabsan Global Partnership for Education


Global Partnership for Education (GPE)
waxay dalalka soo koraya kala shaqeysaa hubinta in ilmo kasta u helo waxbarasho aasaasi ah oo tayo leh, iyada oo mudnaan siineysa kuwa ugu saboolsan, kuwa ugu nugul iyo kuwa ku nool dalalka tabar-darran ama ay saameysey colaad. GPE waxaa ay abaabushaa maaliyado la siiyo waxbarshada waxaana ay dalalka soo koraya gacan ka siisaa abuurista nidaamyo waxbarasho oo taabogal ah oo ay aasaas  u yihiin qorsheyaal iyosiyaasado caddeyn la taaban karo ku dhisan. Wada-hawlgalayaasheeda waxaa ka mid ah dalalka soo koraya, ururro caalami ah (multilateral organizations), deeq-bixiyeyaal, ganacsiga gaarka loo leeyahay, macallimiin, bulshada rayidka ah/NGO-yo, iyo mu’asasooyin gaar ah. 

Ku saabsan Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare ee Puntland

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, waxaa ay mas’uul ka tahay dhammaan arrimaha la xiriira horumarinta iyo bixinta adeegyada waxbarashada. Arrimahaa waxaa ka mid ah siyaasadaha waxbarashada  horumarinta manaahijta, iyo imtixaannaadka qaran ee dhammaan heerarka kala duwan ee waxbarashada, bixinta shahaadooyinka, kormeerka iskuullada iyo macaahidda waxbarashada, korjoogteynta iyo qiimeynta. Tani waxaa ay waafaqsan tahay qorsheyaasha horumarinta ee Puntland, kuwaas oo ah kuwo Qorshaha Istiraatiijiga ah ee Waaxda Waxbarashada uu la jaanqaadayo uuna wax ku biirinayo.

Ku saabsanUNICEF
UNICEF waxaa ay ka shaqeysaa 190 dal iyo dhul si ay carruurta gacan uga siiso badbaadadooda iyo horumarkooda, laga bilaabo marka ay aad u yaryar yihiin ilaa marka ay qaangaar noqdaan. UNICEF waxaa ay taageertaa caafimaadka iyo nafaqada carruurta, biyo iyo fayadhowr wanaagsan, waxbarasho aasaasi ah oo tayo leh oo ay helaan dhammaan wiilasha iyo gabdhaha, iyo in carruurta laga ilaaliyo gacan-ka-hadal, dhiig-miirashado, iyo AIDS. UNICEF waxaa gebi ahaanba ay maaliyadda ku heshaa qaaraan ay iskood u bixiyaan shakhsiyaad, ganacsiyo, mu’asasaad iyo dowlado. Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan UNICEF iyo hawsheeda ka eeg: www.unicef.org

Susannah Price, UNICEF Somalia,

+254 722 719867, sprice@unicef.org