Falanqeyn: Kulanka Magaalada Jawhar maxaa ka soo bixidoona?

Markii uu dhacay kulankii kismaayo ku yeesheen madaxda maamul golaleed waxay ku dhawaaqeen inay sameysteen golaha iskaashiga maamul gobaleed soomaaliya.

arinkaa siyaasadeed wuxuu keenay inay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre shirkaa wixii ka soo baxay ka soo hor jeestan.

waxaa saxaafada la isku mariyey fikiro iska soo horjeeda oo shacabka soomaaliyeed dhibsadeen. Wixii intaa ka danbeeyey waxaa dhacdey masiibadii Zoope oo noqotey masiibo Qaran.

Waxaan falanqeyn tayda ku eegi doona kulanka magaalada jawhar ma noqon guul siyaasadeed oo Raysal wasaare khayr ku xaliyo khilaafkii jiray.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la doortay 16-kii bishii hore ee September ayaa maanta ayuu dhacayaa caleema saarkiisa, kaddib markii labo jeer oo hore uu u baaqday.

waxaa maanta ka socda magaalada jawhar u diyaar garow xaflada caleemasaarka madaxweyne maxamed aware iyadoo amniga aad loo ilaaliyey.

Xaflada oo ka dhacaysa magaalada jawhar waxaa ka soo qeyb galaya Raysal wasaaraha Dawlada Faderaalka iyo madaxda maamul Gobaleed yada intooda badan. Wakiilada beesha caabka u jooga soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka, ayaa waxaa saaran culay siyaasadeed oo ah inay wali is fahmin madaxdada maamul Gobaleed yada sidey u wada shaqeen lahaayeen arinkaa oo ah wax iska cad.

Waxaa dhici karta inay Raysal wasaare khayre iyo madaxda maamul gabaleed yadu kulankan xaflada ah ay keento damiir wadaniyad oo laysku fahmo laguna sheeg keenaysyo.

Raysal wasaare khayre waa nin dhalin yara ah oo u baahan in wax badan lagala shaqeyo si xukumada Raysal wasaare guula siyaasadeed uga gaarto Caqabadaha Horyaala ee badan.

Xafaladan caleema saarka madaxweynaha hirshabeele mudane maxamed aware waxaa ka soo qeyb galaya wufuud badan oo isticmaalaya gadiidka cirka ee diyaaradaha waxaa kharashkooda bixinaya xasiiska Qurumaha midoobay u qaabilsan xasilinta iyo nabadeenta soomaaliya( UNSOM).

Waxaa u rajeynayaa ilaahay idankiisa in siyaasiyiinta soomaaliyeed dareemaan shaqada ay ku dhaarteen inay daacad u gutaan si shacabku u helo xasilnaan dawladnimo oo iyaga matasha.

Qormadii: Maxamed Caalim