Dowladda Imaaraadka Carabta oo Deeq Daawo ah soo Gaarsiisay magaalada Muqdisho+Sawirro

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaartay diyaarad Militari oo ay Leedahay Dowladda Imaaraadka carabta ayaa Deeq Daawo ah soo gaarsiisay Magaalada Muqdisho oo loogu Talo-galay in lagula Tacaalo Dadkii ku Dhaawacmay weerarkii 14-October ka dhacay Magaalada Muqdisho ee dadka Badan ay ku Dhinteen.

Gargaarkaan daawada ah ee Imaaraadka soo gaarsiisay Muqdisho ayaa waxaa horkacaayay saraakiil ka socota Dowladda Imaaraadka, waxaana deeqdaan daawada ah lagu wareejiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Xukumada Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku soo Dhaweysay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Dhanka kale Dowladda Dowladda Imaaraadka carabta ayaa ka mid noqotay Wadamada Soomaaliya u soo Gurmaday kadib Weerarkii ay ku Dhinteen Boqolaalka Ruux ee ka Dhacay Muqdisho 14-Bishaan isgoyska Zope ee Magaalada Muqdisho.