Ammaanka Jowhar oo aad loo adkeeyay

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, maadaama maanta oo Isniin ah lagu wado in ay ka dhacdo xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Hirshabeelle (Waare).

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa lagu arkayaa wadooyinka waa weyn ee magaalada Jowhar, iyaga oo gawaarida dadweynaha ku baaraya barkontoroolada ku yaalla Jowhar.

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan AMISOM ayaa sidoo kale sugaya ammaanka guud ee xarunta Caleema Saarka, si uusan u dhicin falal ka baxsan amniga, inta lagu guda jiro Munaasabadda Madaxweynaha Hirshabeelle.

Wufuud kala duwan oo qeyb ka ah Wasiiro Xukuumadda ka socda oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in ay maanta tagaan Jowhar, si ay uga qeyb galaan Munaasabadda.

Sidoo kale Munaasabadan waxaa lagu casuumay oo ka qeyb galaya sida uu qorshaha yahay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa 16-kii bishii September ee sanadkan waxaa lagu doortay magaalada Jowhar, kadib markii uu ka adkaaday Musharaxiintii uu la tartmayay.