Al-Shabaab oo Bilaabay inay Miinooyin ku aasaan Sh/Hoose iyagooka baqanaaya Dagaal kaga soo wahan Ciidamada Dowladda.

Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeelaha hoose Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay bilabeen inay miinooyin ku aasaan Deegaanada ay ka joogaan Sh/Hoose, iyagoo ka baqdin qaba Gulf dagaal oo kaga soo wajahan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.


Ku xigeenka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in labo miino dhawaan laga soo saaray inta u dhexeysa ceelasha biyaha iyo Xaawo Cabdi oo ka wada Tirsan, wuxuuna faah faahin ka bixiyay sababta keentay in Al-Shabaab ay miinooyin ku aasan G/Sh/Hoose,Wuxuuna sheegay in Taasi ay keentay kadib markii dowlada federaalka soomaaliya ay dhawaan ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
“Deegaanada Gobalka Shabeelaha Hoose waxaa ka socda dhaq dhaqaaq ciidan oo lagu doonayo sidii Al-Shabaab loogu saari lahaa gobalkaas Meelaha ay kaga Sugan yihiin” ayuu yiri ku xigeenka Sh/Hoose.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa marar badan waxay miinooyin ku aaseen deegaano ka Tirsan Gobalka Sh/Hoose, iyadoo inta badan Khasaaraha uu ka soo gaaro Dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan iyo ciidamada Dowlada Federaalka Soomaliya.