Xaalad Adag oo ay ku sugan yihiin Ardey oo Deeq Waxbarsho ka heley Turki-ga (Warbixin)

Arday Soomaaliyeed oo muddo 4 sano ah dhiganaysay Iskuul Muqdisho ku yaalla oo ay Turkish Maarif Foundation mas’uul ka tahay, sida kor ku xusan Safaaradda Turkiga ee Muqdisho waxay boggeeda facebooka soo dhigtay qalin jebinta 66 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho, iyadoo u hambalyaysay sawiradii xafladdana boggeeda ka soo buuxisay, waxaana xafladdii maalintaas ka soo qayb galay mas’uuliyiinta ugu sarreysa Turkish Maarif Foundation, Safaaradda Turkiga Waalidiin, ardaydii dhammaysay waxbarashada iyo suxufiyiin ka socotay warbaahinta qaar.

Xafladda oo ay ahayd mid qurux badan waxaa ardaydii lagu guddoonsiiyay Baasabooradooda oo fiisihii dal ku galka Turkiga uu saaran yahay iyo weliba waraaqihii aqbalaadda jaamacaddii ay Turkiga ka dhigan lahaayeen. Runti maalintaas waxay ardayda iyo waaliddiintooda u ahayd maalin farxad weyn, dhammaan waalidiintii iyo ardaydiiba waxay mahad ballaaran u jeedinayeen maamulka Turkish Maarif Foundation oo halkaas ka sheegay in arydayda jaamacadda ay Turkiga u aadayaan ay tahay mid billaash ah, sidoo kale waxay sheegeen in ay dowladda Turkiga ka caawin doonto Jiifka iyo cuntada iyo weliba caafimaadka.

HADDABA MAXAA DHACAY ARDAYDII MARKII AY TURKIGA TAGEEN?

Qaybtii hore waxay tageen 02/10/2017, qaybtii labaadna 09/10/2017, waxay ka dageen Istanbul, waxaana halkaas ka kaxeeyay Macallin ka socoday Turkish Maarif Foundation, wuxuuna geeyay magaaladii ay ku tiillay jaamacaddii soo aqbashay oo la yiraahdo Kastamonu University, wiilasha waxaa la dejiyay Boarding u dhow jaamacadda, halka gabdhaha la dejiyay Hostess la yiraahdo Demir Pansiyon Hostess, Maamulkii halkii la dejiyay gabdhaha isla markiibana ardaydii waxay ka aruursadeen Baasabooradii, waxayna u sheegeen in arday walba laga rabo 740$ Doolar Term-kii oo ah kirada hostess-ka si dhaqso lehna ay isaga bixiyaan. Qolkii waxaa taalla 4 sariirood oo iskor saaran, musqul ayaa ku dhex taalla waana ciriiri, qofkiiba 740$ 4 x 740 = 2960 ayay noqonaysaa, meelaha kale oo sidooda oo kale ah waxay sheegeen inuu aad uga qaalisan yahay.

Dhinaca kale meesha la dejiyay way ka yara fog tahay Jaamacadda oo waxaa loo raacayaa Bus 10 daqiiqo ka badan soconaya, markii ay jaamcaddii tageen waxaa loo sheegay in arday walba laga rabo marka hore inuu Af-Turkish ku soo tarjumo shahaadadii uu Soomaaliya kala tegay waxaa kaga baxay 50$, is-diiwaan gelin Jaamacadda iyo dalbashada Iqaamada in ku dhow 100$, lacag lagu baranyo luqadda Turkiga sanadkii oo 1000$ ah, sidoo kalena 250$ oo insurance caafimaad, waxaana xusid mudan inaysan jirin cid caawinaysay macallinkii geeyay halkaas uusan dib ugu soo laaban, waxayna ardaydu sheegeen inay kala garan la’yihiin inay ka warqabto Hay’addii halkaasi geysay ee Turkish Maarif Foundation iyo in kale, isku day xiriiro ay la soo sameeyeenna ay u suuroobi waysay inay jawaab ka helaan. Dhammaan lacagaha inta hadda la ogyahay markii la isku daro waxay isku noqotay 740+50+100+250+1000 = 2140$

Iyadoo ay ka soo wareegatay markii la geeyay ardaydaasi muddo laba toddobaad ah, waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah ardaydii halkaasi la geeyay ay awoodi waayeen inay iska bixiyaan qarashaadka intaas la eg ayna iska dhex jiifaan iyagoo rajo beel ah halkii la geeyay, waxayna noo sheegeen in haddii ay sidaasi ku sii joogaan 2 toddobaad kale ay ka dhacayso fiisihii ay dalkaasi ku tageen, haddiise sida sharciga Turkigu qabo aysan Iqaamad waxbarasho helin muddadaas bisha gudaheeda ah ay halis ugu jiraan inay waxbarashadooda iyo joogitaankooda Turkiga ku waayaan ardaydaasi, maadaam Baasabooradii ay ku dalban lahaayeen Iqaamadda looga haysto 740$ oo qasab looga dhigay inay bixiyaan si ay baasaboorada loo siiyo.

Abdulahi Mohamed
Kirikatam