Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dalka Uganda+Sawiro

Wararka ka imaanaya Magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda ayaa sheegaya in Wafdigii uu Hogaaminaayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Uganda.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Uganda , waxaana lagu waddaa in Madaxda Uganda uu kala hadlo sidii looga taageeri lahaa dagaalka Al-Shabaab.
Dhanka kale safarka Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ku wehlinaya xubno katirsan golaha Wasiirada iyo masuuliyiin kale.