Faahfaahin: Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo rasaas ku dhaawacay Ku xigeenkiisa

Rasaas uu furay Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland C/qadir Shire Faarax Ereg ayaa waxaa ku dhaawacmay ku xigeenkiisa , iyadoo la sheegay in rasaastaasi uu u waday Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar C/Laahi Faraweyne oo gacan ka hadal hexmaray, taasina ay keentay inuu Bastoolad la baxoo oo rasaas uu rido.


Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland ayaa la sheegay in rasaasta lagu riday ay ka haleeshay labadiisa lugood mid ka mid ah, waxaana xiligaasi loo fadhiyay shir looga hadlayo arrimaha ammaanka, waxaana shirkaasi joogay Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Booliiska iyo ku xigeenkiisa, Gudoomiyaha Gobalka Nugaal iyo Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Puntland iyo Mas’uuliyiin kale.

Dhanka kale waxaa la soo sheegayaa in la isku qabsaday cida ka mas’uul ah mas’uuliyadda amniga gobolka Nugaal gaar ahan ciidanka amniga gudahiisa, waxaana laogaa in dhawaan Taliyaha Booliiska Puntland shqadiisa dib ugu soo celiyay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas kaddib xil ka qaadis u horay ugu sameyay madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin xaaji Cumar Camey.