Gudoomiye Taabid oo baaq u diray dadka degan Agagaarka Zoobe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa shacabka degan iyo dadka ganacsiga ku leh Isgoyska Zoobe ugu baaqay iney ka qeyb qaataan amaanka.

Waxa uu sheegay in shacabka loogu baahan yahay iney la shaqeeyaan Hay’addaha amaanka si loogu hortago qarax kale oo ka dhaca Isgoyska.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkii ganacsiga ku lahaa iyo kuwii deganaa Isgoyska Zoobe iney kala shaqeynayaan sidii ay dib ugu dhisan lahaayeen goobahooda.

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in si wadajir ah loogu wada shaqeeyo amaanka Caasimada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu koormeer ku tagay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho.