Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay weerar lagu dilay Ciidamo Masaari ah

Qoraal ka soo baxay Wasaaradad arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyey weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo dhawaan lagu qaaday ciidamada Ammaanka ee dalka Masar.

Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka iyo Dowladda Masar uga tacsiyadaysay weerar qarax ku bilowday kaasi oo ay ku dhinteen ilaa 53 askari oo ka tirsanaa ciidamada amniga dalkaasi Masar.

Qaraxaan ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay, wuxuuna ka dhacay Gobolka Waxda ee Dalkaasi Masar ayaa wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi Masar waxay ku eeedeysay inay ka dambeeyeen kooxaha Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar jooga.

Dhanka kale Qaraxa kadib ayaa waxaa dhacay weerar fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinaca kaasi oo Dowladda Masar ay ku sheegtay in lagu dilay 15 kamid ah kooxdii weerarkaasi soo qaaday, Masar ay sheegtay in weerarkaasi ka dambeeyeen kooxdan Hasm inay yihiin garabka hubaysan ee ururka Akhwaanul Muslimiinta.