DEGDEG: Dad shacab ah oo gaari ay saarnaayeen miino kula qaraxday Balcad

Wararka aan ka heleyno duleedka degmad Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari ay saarnayeen Dad Shacab ah ay goordhow Miino la kacday.

Deegaanka lagu Magacaabo Daniga Baaloow oo ah Wadada aada dhanka degmada Afgooye ayaa la sheegay in Gaari Nooca loo yaqaano Homeyda, ay Miinadaas la qaraxday xili uu ku sii jeeday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo Gaariga saarnaa ayaa geeriyooday halka uu ay kuwo kale dhaawacmeen kuwaas oo qaarkood jirkooda uu Go’go’ay sida uu Dalsan u sheegay mid ka mid ah Wariyaasha ku sugan degmada Balcad.

 Qaar ka mid ah Shacabka degmada Balcad iyo Masuuliyiinta Maamulka ayaa haatan dadkaas u Gurmanaya, waxaana deegaanka Daniga Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.