AMISOM oo sheegtay inaysan wax eed ah ku lahayn ammaamka Caasimada Muqdisho

“Ciidamada AMISOM wax eed ah kuma lahan qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ee Al-Shabab geystaan” ayuu yiri Afhayeen u hadlay ciidamada midawga Africa ee Soomaaliya jooga ee AMISOM. oo la hadlay Telefishinka Al-Jaziira
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadooda ay Soomaaliya ka qabteen shaqo badan oo ay Al-Shabab ka saareen dhawr magaalo, hase ahaatee sugida ammaanka magaalada Muqdisho ay u xil saaran yihiin ciidamada ammaanka Soomaaliya.


“Ammaanka Muqdisho waa la qeybsaday AMISOM waxay u xil saaran tahay sugida ammaanka madaxtooyadda iyo garoonka diyaaradaha inta kale ee magaaladana waxaa u xil saaran ciidamada dawlada” ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.
Tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga oo lagu qiyaaso 24- kun oo askari wuxuu waajibaadkoodu yahay caawinta dawlada oo dagaal adag kula jirta ururka Al-Shabab.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow oo wax laga weydiiyay sababta ay dawlad ugu guulaysan la’dahay sugida magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in dawladu qaaday tilaabo ay ku sugayso ammaanka oo ay aas aastay qiyaastii 1500 oo askari oo ku guulaystay in magaalada xasilooni ku soo celiyaan.
“Waa ka guulaysanay argagixisada kaliya waxa kaliya ee ay ku soo hareen waaa inay is qarxiyaan” ayuu yiri wasiir Yariisow oo sheegay in Al-Shabaab sababta ay magaalada qaraxyada uga geysanayaan ay tahay inay dunnida tusaan inay yihiin welli awood jirta.
Dhanka kale Tvga Al-Jaziira ayaa baahiyay in sanadkaan qiyaastii 20 qarax oo Muqdisho ka dhacay inay sababeen dhimashada 500 oo ruux iyo dhaawaca 600 oo kale qaraxyadaas badankoodna Al-Shabab ayaa sheegtay.

Hadaba la soco Shaxda iyo Goobaha lagu dilay waana sida: