Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo loo diiday inay ka degtaan Baydhabo

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay loo diiday in ay gudaha Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulkaasi.

4 Xildhibaan oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanaka Maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ka mid ah xubnaha sida weyn uga so horjeeda madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay in ay is hor istaag ay ku sameeyeen xubno ka tirsan Maamulkaasi, xilli ay doonayeen in ay ka degtaan Garoonka Baydhabo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxda Maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan arrintan, balse waxa muddooyinkii dambe jiray Xildhibaano dhaliilsanaa Hanaanka Siyaasadeed ee Madaxweyne Shariif Xasan.

Waxaana ay sheegeen in uu ku fashilamay hoggaanka Maamulkaasi Koonfur Galbeed Soomaaliya.