Wasaarradda Amniga Gudaha Oo War Kasoo Saartay Dhacdadii Zoobbe

Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya Abuu Ducaalle Isloow oo cambaareynaya qarixii Zoobbe ayaa sidoo kale sheegay xog badan oo ku saabsan dhacdadaas xanuunka badneyd.

Dawladda Federaalka oo kaashaneysa sirdoonka waddamada saaxiibbada la ‘ah oo ay ugu horreeyaan kuwa reer Galbeed ayaa sheegay in weli baaritaan qoto dheer ay ku hayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas sidoo kale wuxuu sheegay in ay hadda gacanta ku hayaan dad loo tuhunsan yahay dhacdadaas, uuna sheegay in ay caddaaladda horkeeni doonaa haddii ay ku caddaato.

Isloow oo ka hadlayay xogagga ay hayaan ayaa sheegay in dhawaan ay toos usoo bandhigi doonaa wax walba oo kusaabsan qaraxaas, cidda ka dambeeysay? qaabka uu u dhacay iyo waxyaabo kale oo la xiriira qaraxaas.
”Sida aan horayba u sheegnay waxaan weli ku guda jirnaa baaritaanka Qaraxii Zoobe, rajadeenu waxa ay tahay inaan soo bandhigno natiijo saafi ah, waxaan shacabka ka dalbaneynaa inay nala samraan isla markaana nala shaqeeyan”.

Todobaad ayaa kasoo wareegatay dhacdadan, waxaana ay ahayd middii ugu xummeyd ee abid ka dhacda geeska Afrika, sida ay sheegayaan khubarrada siyaasadda falanqeeya.