Wasaaradda Beeraha oo qabatey carwadii ugu weyneyd ee lagu soo bandhigay khayraadka Soomaaliya

Xaflad lagu maamuusayay xuska maalinta Cuntada Adduunka iyo maalinta Beeralayda Soomaaliyeed laguna soo bandhigayay Dalagyada, Qudaarta iyo Geed miroodka ka baxa Waddankeena, ayna soo qaban-qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Federaalka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadii xafladaasi oo si qurux bdan,loo soo agaasiimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano Senatoro, madax matalaysay Iskashatooyinka Beeralayda, bahda Waxbarashada, Rugta Ganacasiga, shirkadaha khayradaka Dalka iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan.

Khudbad uu halkaasi ka soo jeediayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Avv. Mahadi Maxamed Guuleed {Qadar} ayaa ka sheekeeyay khayraadka ay Soomaaliya leedahay iyo faa’iidada ay beeruhu u leeyihiin nolosha bani’aadamka, waxaana uu sheegay inuu soo dhaweynayo horumarka lixaadka leh ee ay samaysay Wasaaradda Beeraha, isagoo ku booriyay beeralayda gayigeena inay sii Labba jibaaraan wax soo saarkooda.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Soomaaliya Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa soo bandhigay dadaalka ay Wasaaradiisu ugu jirto kordhinta wax soo saarka Qaranka, waxaana uu carrabka ku dhuftay inay wax walba ka hor-marinayaan dhiiri galinta iyo garab istaaga beeralayda Waddnakeena, isagoo dhanka kale hoosta ka xariiqay inuu bahda beeraha ugu hambalyeynayo xuska maalinta Cuntada iyo maalinta Beeralayda Soomaaliyeed.

Sidoo kale munaasabadaasi waxaa iyaguna ka hadlay Wasiirka shaqada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Gudiga Khayraadka Aqalka Sare Senator Ilyaas Cali Xasan, Xildhibaan Zakariye Maxamuud X. Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha, Dr, Maxamuud Maxamed Maxamuud, Xoghayahajoogtada ee Wasaaradaasi Maxamed Cali Ismaaciil, Gudoomiyaha Shirkadda Somfresh Xersiyo Cabdulle iyo masuuliyiin kale, madaxdaasi ayaa ka hadashay sida loogu baahan yahay in xil gaar ah la iska saaro horumarinta dhinaca wax soo saarka.

Xafladaasi oo aad u xiiso badneyd ayaa waxaa lagu soo bandhigay in ku dhaw boqol (100) nooc oo isugu jira dalagyada laga helo Dalkeena, qudaarta ay Soomaaliya caanka ku tahay iyo qaar ka mid ah geed miroodka ka baxa Waddankeena, intii ay socotay xafladaasi ayaa waxaa lagu daawaday riwaayad halku dhigeedu uu ahaa “Beer Fashaa Ma-Baahoodo”, taasi oo ay jilayeen fannaaniin ka tirsan hobolada Soomaaliyed.

Gaba-gabdii munaasabadaasi ayaa halkaasi waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Beeraha, sidoo kalana waxaa isla fagaraajhasi Koob lagu gudoonsiiyay kooxdii ku guulaysatay taratankii lagu maamusaayay maalinta Cuntada Caalamk.

Carwada maanta ee lagu soo bandhigayay wax soo saarka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay inay aheyd middii ugu balaaraneyd ee sannadahaan dambe lau qabto Dalkeena.