War murtiyeed kulul oo ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada

War murtiyeed ayaa ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ay ku mideysan shanta Madaxweyne dowlad goboleed, waxaana looga hadlay xaalada guud ee dalka iyo qodobo kale.

War murtiyeedka oo ka koobnaa 8 qodob ayaa ugu horeyn looga tacsiyadeeyay umadda Soomaaliyed qaraxii ay dadka badan ku dhinteen 14-kii bishii hore, sidoo kale waxaa mahad celin loogu jeediyay umadda Soomaaliyeed, hey’adaha iyo dalalka ka qeyb qaatay gurmadka qaran ee loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay qaraxaas.

Sidoo kale War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda ay ka mashquulsan tahay arrimihii Amniga, isla markaana ay xoogga saareyso siyaasado dadka iyo dalka sii kala fogeynayo.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa walaac ka muujiyay in qorshaha Xukuumadda dhexe ay miisaaniyadii amniga iyo tii dowlad goboleedyada loogu tala galay maamul goboleedyada ugu leexisay arrimo siyaasadeed

Waxaa kaloo ay ka digeen faragelinta Xukuumadda ku heyso dowlad goboleedyada, isla markaana ay wado qorshe la doonayo in xilka looga tuuro Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Halkan Hoose ka akhriso:

War murtiyeedka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada