Markab saanad Milateri u sida ciidamada Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

Markab saanad Milateri iyo hub u sida ciidamada Turkiga ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana maalintii labaad laga dejinayaa shixnado kala duwan oo ay leeyihiin ciidamada Turkida ee ku sugan xerada Jasiira duleedka magaalada Muqdisho.

Markabka ayaa ku sugan goob aan deked ahayn oo ka tirsan xerada Xalane, isla markaana buundo uu ku fidsaday xeebta looga daabulayaa sanaadiiq ay ku jiraan hub, qalabka ciidamada iyo agab kala duwan.

Shacabka ku dhaqan agagaarka xerada Xalane ayaa u sheegay shabakadaan in markabkaasi uu yahay mid ay leeyihiin ciidamada Turkiga ee ku sugan xerada ay ku leeyihiin degaanka Jasiira kuwaasi oo tiradoodu ka badan tahay 5-Kun Askari isla markaana bilaabay inay qortaan ciidamo Soomaali ah oo tababarayaan.

Dhinaca kale Dowladda Turkiga oo caawisa Soomaaliya ayaa bedeshay istiraatiijiyadeeda kaddib markii ay dalka keentay ciidamo fara badan isla markaana bilowday dhaqdhaqaaqyo ciidan, hase yeeshee lama oga ujeedada ka dambeysa inkasta oo warar soo baxaya ay sheegayaan in Turkigu doonayo inuu awood milateri ku qabsado dalka Soomaaliya