Madaxweyne Waare iyo Saraakiil AMISOM ah oo ka wada hadlay adkaynta amniga xiliga Caleema saarka ismaamul Goboleedkaasi.

Dr Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka tirsan Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM Iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo xaqiijinta amniga guud.

Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa kulanka Saraakiisha AMISOM uu la qaatay ku wehelinayay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana kulanka la isku dhaafsaday sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Ciidamada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka howlgala iyo kuwa AMISOM iyo in si dhab ah uga qeyb qaataan sugida amniga guud ahaan deeganada Hirshabelle gaar ahaan Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo maalinta Isniinta lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Jowhar.

Taliyaha Sectar 5 ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM Gen Voctor oo saraakiishaasi hogaaminayay ayaa balan qaaday in si dhow ay u wada shaqeynayaan saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka howgala gobolka ayna xoojin doonaan xaqiijinta amniga, sidoo kalena ay qorsheynayaan inay ka shaqeeyaan dib u dhiska wadooyinka iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo uu midowga Africa fulinayo.

Dhanka kale Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa AMISOM ugu mahadceliyay sida har iyo habeen ay ugu soo jeedaan sugida amniga, waxaana uu ku ammaanay doorkooda la xiriira garab istaaga Soomaaliya.