Boqortooyada Sacuudiga oo Dhambaal khaldan u soo Direy Madaweyne Farmaajo.

Wakaaladda wararka dalka Sacuudiga ayaa lagu daabay in Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis uu madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo u soo diray dhambaal uu ku sheegay inuu ugu hambalyeynayo munaasabadda Maalinta Qarannimada Soomaaliya oo uu maleeyay inay tahay Bishan Oct. 21-keeda oo maanta ah.


Dhaxal-sugaha Boqortooyada, ahna Ra’isul-wasaare-xigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis ayaa isagana Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyey 21-ka October.

Boqorka dalka Sacuudiga Iyo Wiilkiisa ayaa u rajeeyeen Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyo shacabka Soomaliyeed inay ku waaraan horumar iyo Barwaaqo.

Dhanka kale Madaxda Sacuudiga ayaa isku qalday 21-october iyo Munaasbada Maalinta Qaranimadda Somalia ee 1-da Luulyo oo ah Maalinta Qaranimadda Somalia.