Farmaajo oo isugu yeeray shir degdeg ah Labada Aqal

Madaxweyne, Farmaajo ee dal baday in uu la hadlo Labada Aqal oo ay Ummadda Soomaaliyeed dhagahooda ku maqasho. Runti, waa fursad Qaali Ah ee Farmaajo ku soo ceshayn karo Kalsoonida Shacabka ay ku soo doorteen.

Su’aal, muxuu kala hadlaa Labada Aqal? Ma, iscasilaa? Ma, ra’iisul wasaaraha ayuu xilka ka qaadaa? Ma, qilaafaad jiro asaga iyo Xukuumada Kheyre ayuu ka hadlaa? Ma, mowqifkiisa ku aadan Maamul Gobolleedyada ayuu ka hadlaa iyo Qilaafaadka jira? Ma, Gobolka Banaadir in uu leeyahay Mowqif Dastuuri ah ee uu dhaqan gelin doino ayuu ka hadlaa? Ma, codsi wada shaqeyn iyo iskaashi ayuu diraa Madaxda Maamul Gobolleedyada? Ma, deeqihi Abaaraha iyo dhaqaalihi Soomaali soo galay intuu Xilka haayay iyo meesha lagu bixiyay ayuu ka hadlaa? Ma, dhowrka Safiir, Madax Sare iyo Saraakiisha Ciidan uu magacaabay iyo sababta uu u magacaabay ayuu ka hadlaa?

Ma, wuxuu ka hadlaa reeraha Soomaaliyeed in Dawladda Federaalka ayna u wada dhameyn oo ay qaar ku dulman yihiin ayuu ka hadlaa iyo sida uu saxaayo? Ma, wuxuu ka hadlaa dawladaan dhallinyaradi shantii sanno ee Kacaanka dalka ugu dambeysay ama wixii bur-burka ka dambeysay 1991-di dhalatay ee Xilalka Sare ka haysa Xukuumada ee kuwi uga haboonaan lahaay derbiyada iyo fadhi ku dirirka fadhiyaan suu wax uga qabanaayo ayuu ka hadlaa?

Ma, wuxuu ka hadlaa arrimahaan Dekadaha Soomaaliya ku saabsan iyo Ajnabiga daneynaayo? Ma, Saldhigyadaan ama Ciidamadaan Shisheeye ee dalka ku soo kordhaayo ayuu ka hadlaa iyo waxa uu ka damacsan yahay sida laga yeelaayo? Ma, wuxuu ka hadlaa Arrinti Dhul-Badeedka Soomaaliyeed iyo Mowqifkiisa iyo kan dawladda wuxuu noqon doono?

Ma, wuxuu ka hadlaa arrimihi: Qalbi-Dhagax, Bariire, Wasiirki la dilay, iyo Qaraxi Sabtigi, bisha, Oktoobar 14, 2017 ee lagu hoobtay iyo ciddi ka dambeysay oo uu haayo Xogteeda? Ma, ‘Hawlaha Qabyada’ ah ee Dawladda Dhexe iyo goorta la dhameystiraayo ayuu ka hadlaa?

Ma, wuxuu ka hadlaa in dalka Xaalad Deg-Deg ah uu rabo in uu geliyo iyo in uu ku dhawaaqo la dagaalanka Argagixisada?