Falanqeyn: Dhul gariirkii isgoyska Zoobe waa jabkii alshabaab

Waqti adag ayaa ku jirnaa shacabka soomaaliyeed waxay sugayaan in Ciqaabta kooxda alshabaab laga qabto. in wadooyi ka loo furo in dalku ciidan yeesho in hore loo socdo.

Midnimaa cadawga lagu jabinkaraa!

Madaxweyne Farmaajo waxaa laga sugayaa in uu madaxda maamul Gobaleedyada la shiro heshiis Qaran lagaaro ciidan Qaran lasameeyo dagaal qaran laqaado oo wadanka lagu mideynayo.

Raysal wasaare khaye waxaa laga sugayaa in uu Golaha wasiirada shiriyo xukumadu ku midowdo Barnaamij lagu mideynayo Dhamaan bulshada soomaaliyeed meelkasta oo aay joogto. Siloo bilaabo Barnaamijkii xukumadu balanqaadey ee abniga iyo xasilinta wadanka.somalia

Gudoomiye Taabid waxaa laga sugayaa inuu Dadka degan Gobalka banaadir mideeyo si moqdisho u noqoto Astaanta soomaalinimada.
Lana helo nidaam ay kawada muuqdaan dadka degan gabalka banaadir oo ah Goledeegaan oo si sharciya ku fulunkara waxay doonayaan bulshada ku dhaqan gobolka banaadir

Waqtigii Tacsida waa dhamaadey, khudbad la akhriyo way dhamaatay sawir la iska qaado waa dhamaadey , gurmadaka xukumadu wasaarad ayaa wakiil uga ah waa in nidaamka dawladnimo la ilaaliyaa hadaan nidaamka ilaalino waa ka guuleysanay cadawgeena.

Madaxda Golayaasha sharcidanjinta iyo maxda maxkamadaha waqtigii aamusnaanta waa dhamaadey waxaan u baahanahay in sharciga
Ladagaanka argagixisada iyo ladag dagaalanka musuq maasuqa in Golayaashu an sixiyaan sida ugu dhaqsiyada badan

Murugada iyo Tacsidu waa waqti yar shacabka soomaaliyeed haddii aysan lahayn Nidaam-caddaaladeed oo suga xuquuqda muwaadinka,isla markaan ilaalinaysa naftiisa, hantidiisa iyo xorriyaddiisa. waa sida kaliya ee cadawga looga guuleysan karo marka Qofka muwaadinka ah la qiimeeyo.

Waxaa guul siyaasadeed ah shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay iska xoreeyaan kooxdaa dhiig yacabka arinkaa waxaa markhaati noogu filan banaanbaxyada socda ee lagu diidan yahay kooxda dhiig yacabka al shabaab

Ugu danbeyn, waxaan Falanqeyn tayda ku tilmaamayaa in Culimada Soomaliyeed ee taageersan Dowladda Federaalka iyo Dadka hogaamiya bulshada in meel looga soowada jeesto dagaalka wadanka looga xoreynayo al shaab kuwa sharwadayaasha ah

Ma ahan wax qoraal halmaalin ah lagu soo koobi karo qorshaha Dagaal ee uu iclaamiyey
Madaxweyne Farmaajo waa markii labaad ee uu iclaamiyo dagaalka dhan ah kooxda al shanaab waxaa ii muuqda in uu Talada dagaalka lagu galayo laga dhigo mid midnimo lagu wada yahay dagaalku yuunoqon dagaal ah khudbad la akhriyey sidii hore u dhacdey marka hotelada alshabaab weeraraan.

dhibaatadii ka dhacday isgoyska Zoobe 14kii bishan oktobar waa masiibo aan si fudud lagu ilaaweyn. Waxaa ogaan doonaa hogaamiyaha waqtiga adag nagasaara iyo kana waqdiga adag nagu ciqaama kursiga siyaasadee uu uu ku fadhiyo. Shacabku iyagaa awooda iska leh kay raacayaan.

w/q:Maxamed Caalim