Dowladda Itoobiya oo Muqdisho soo gaarsiisay Diyaarado ay saaran yihiin deeq Daawo ah.

Laba Diyaaradood oo siday 8-tan oo dawo ah iyo dhakhaatiir kana yimid dowladda Itoobiya ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, taas oo qeyb ka ah gurmadka dalalka iyo hey’addaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay u fidinayaan dadkii ku waxyeeloobay xasuuqii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Mqudisho.


Dr. Fowziyo Abiikar Nuur Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dowladda Itoobiya sida ay ugu soo gurmadeen Soomaaliya, Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa deeqdan dawada ah ku wareejiyay Wasiirka caafimadka ayaa sheegay in gurmadkan dowladiisa u fidineyso dadka Soomaaliyeed uu tusaale u yahay xiriiirka wanaagsan ee labada dhinaca ka dhexeeya.

Garoonka diyaaradaha ayaa laga soo dejiyay deeqda ka timid Xukuumadda Itoobiya ayaa waxaa joogay Wasiiru dowladda Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya C/Qaadir Axmed Khayr, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

 

Dhanka kale Tan iyo markii uu dhacay xasuuqii isgoyska Isgoyska Zope ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray in ka badan 10 diyaaradood oo siday dawo iyo dhakhaatiir, iyadoo dowladii ugu horeysay oo shacabka Soomaaliyeed u soo gurmaday ay aheyd dowladda Turkiga ee aan walalaha nahay.