Ciidamada Dowldda oo Al-Shabaab ka saaray Deegaano dhowr ah (Magacyada Deeganadaasi).

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolkaasi inay maanta gaareen deegaanada Mareerey,Sabiil iyo Caanoole halkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen maleeshiyada Shabaabka.


Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay faarujiyeen deegaanadaasi markii ay dareemeen cudud Milateri oo ku soo wajahan, iyadoo ciidamadu ujeedkoodu yahay inay Al-Shabaab baacsadaan, islamarkaana ka saaraan deegaanada ay ku sugan yihiin.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen deegaandaasi, taasi oo qeyb ka ah howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dagaalka Madaxda sare ay ku dhawaaqeen.