Warar ku saabsan dhaawacyadii loo qaaday Suudaan

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in daryeel caafimaad aysan heysan dhaawacyadii laba maalmood oo kala duwan la geeyay dalka Suudaan, kuwaasi oo tiro ahaan isugu soo uruuraya 70 qof.

Dhaawacyadii ugu dambeeyay ee xalay laga dejiyay dalka Suudaan ayaa waxaa ka geeryooday hal qof, kaasi oo ay la socoto xaaskiisa iyo canug yar oo Saddex sano jir ah, kadib markii ay wadnaha istaageen.

Muwaadiinka geeriyooday waxaa magaciisu ahaa Siidow C/laahi Maxamed Xuseen, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Suudaan.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed C/laahi Ugaas oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in daryeel xumo ay heysato dadkan, balse goobtii markii hore lagu dajiyay ay tahay meel ku meel gaar ah, hada wixii ka dambeeyana la geynayo Isbitaallo caalami ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri “Arrinta cabashada Suudaan Madaxda waan gaarsiiyey berina wafdi heer sare ah ayaa la rajeynayaa in ay aadaan Suudaan arrintan dartii, lama aqbali karo cabashada heerkaa gaarsiisan, dadka la diray waa in ay helaan Xurmo iyo Xanaano Astaan Dowladeed, weyna heli doonaan Insha allah.”