Ururka Daacish oo Wiiil Dhagool ah iyo Hooyadiis ku dilay Gobalka Bari

Wararka ka imaanaya tuuladda Canjeel oo ka tirsan degmadda Bali-dhidin ee gobolka Bari ayaa sheegaya in koox hubaysan oo la aamisan yahay inay ka tirsanaayeen ururka ISIS (daacish) halkaasi ku dileen Hooyo iyo wiil dhagool ah oo ay dhashay.


Daacish ayaa la sheegay inay tuuladasi soo Gashay , kadibna ay weerareen guri ku yaal bartamaha tuuladda oo sida ay dadka deegaankaasi shegeen uu lahaa askari ka tirsan ciidamadda Maamulka Puntland, waxaana ku noolaa gurigaasi hooyo iyo caruur ay dhashay.

Daacish ayaa ku eedeysay Hoyadaasi inay ninkeeda iyo walaalkeed ay ka tirsan yihiin ciidamada Puntland, waxay ku amreen inay bannaanka uga soo baxdo guriga, kadibna caruurteedii ayaa ku dhegay hooyadood oo diiday inay ka tagaan, kadibna xabad ayay ku fureen, waxaan halkaasi ku dhintay hooyada oo lagu magacaabi jiray Shukri Muuse Cambe iyo wiilkeed oo dhago la’aa Sidaa waxaa Warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dadka degaankaasi oo magaciisa u qariyay arrimo ammaan.

Dhanka kale dadka degaanka ayaa si aad ah uga xumaaday falkaasi oo ay ku tilmaameen mid waxashnimo ah oo dhaqanka Soomaalida iyo Diinta Islaamkaba ka fog in la dilo hooyo iyo wiilkeeda, sidoo kale Maamulka Buntland ayaan wali ka hadlin dilka la sheegay inuu ka dhacay tuuladda Canjeel oo ka tirsan degmadda Bali-dhidin ee gobolka bari.