Muqdisho Maxay ka baran kartaa jawaabtii madaxweynayaasha caalamka

XASUUQA 14 OCTOBER EE MAGAALADA MUQDISHO MA WAXAA UU KU SOO KOOBMI DOONAA BAROORDIIQ IYO QIIRO JABAAN MAALMO SOCOTO?

MUQDISHO MAXAY KA BARAN KARTAA JAWAABAHA MADAXWEYNAYAASHA CAALAMKA AY BIXIYAAN WEERARADA NOOCAAN OO KALE EE ARGAGIXISADA MARKAY DHACAAN?

Xasuuqii September 2001 ee argagaxisada geysatay ee ka dhacay dalka Mareykanka waxaa lagu xasuustaa in madaxweynihii hore ee mareykanka George Bush inuu yiri ” kuwii sarahaan dudumiyay waxay iga heli doonaan jawaab deg deg” isagoo u goodinayay raggii weerarkaas geystay taas oo kumanaan mareykan ah ay qorteen ciidanka si ay Alqaacida isaga difaacaan wixii dhacay kadib waa arrin qof walba xasuusan yahay.

Sidoo kale xasuuqii maleeshiyaadka argagaxisada Boko Haram ay ka geysteen Nigeria bishii January 2012: oo ay ku dileen 185 qof ayna ku gubeen xafiisyadii dawlada Nigeria ayaa waxay keentay madaxweynihii xilligaas Goodluck Jonathan inuu yiri “Boko Haraam danbe kuma dhex dagaalami doono Nigeria dhexdeeda” tasoo keentay isagoo ka faa’ideysanayo dhalinyaro Nigeria badan oo is qoray ciidamada xoogga ee Nigeria inuu ku guuleysto inuu ka saaro gobolo badan oo Nigeria ay heysteen Boko Haraam.

Tusaalooyin kale oo fara badan ayay sameeyeen madaxweynayaasha caalamka ee weerarada noocaan oo kale la kulmo

Maantase Madaxweyne Farmaajo intuu ka faa’idaysan lahaay dhalinyarada qiireysan ee Soomaaliyeed oo ah fursad maleeshiyaadka Shabaabka uu ku burburin karo kagana saari karo goobo badan oo ay haystaan ayaa weli muuqan dowrkii iyo kartidii madaxweynenimo ee laga sugayay.

Xasuuqii 14 October ma waxay ku soo koobmi doontaa Baroordiiq, taalo la dhiso, iyo qiiro jabaan oo maalmo socoto ?