Madaxweyne Farmaajo oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo shalay khudbad u jeediyay Kumanaan Shacab ah, ayaa ugu baaqay in ay muqadas tahay Difaacida Dalka, Dadka Iyo Diinta.

Waxaana uu ku dhiiri geliyay guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed in ay u istaagaan Difaaca Qaranka Soomaaliyed

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah iyo Midnimo, si looga hortago in ay dhacdo dhibaato la mid ah tii Zoobe.

Dhawaan ayey ahayd markii qarax dad badan oo shacab ahaa ay ku dhinteeen uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, kaas Xanuun iyo Murogo ku reebay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.