Kabaabya la’aan ma lagu qalay?.Isku soo wada duub dhacdadii aagga Zobe!!! NASASHADA JIMCAHA.Q-66aad.

ARAAR.

Ma ihi Taageere jadbaysan ee Turkiga, mana ihi Maucaarad macangag ku ah Turkiga.laakin waxaan cabirayaa aragtidayda xaaladda jirta sida ay iigu muuqato, qayb ahaan waan khaldami karaa,waana saxnaa karaa,waxaan ahay muwaadin ka mid ah shacabka magaalada Mogadishu ku nool.

DOORKII TURKIGA.

Daawadii kabaabyada ayaa ka dhamaatay isbitaalada qaar,waxaana dhibanaha la qalaayay iyada oo dareenka jirkiisu joogo, intii aanu turkiga ka soo gaarsiin saacada gudahood, iyada oo dayaaradoohoodu ay soo degeen habeennimadiiba.

Abwaan somaliyeed ayaa yiri: “ Magli in uu afleeyahay ninkuu midigta gooyaa og” Qaliin inuu xanuun leeyahay ninkii kabaabya la’aan la qalay ayaa og. Heer wasiir ayay ku soo gurmadeen,waad dareemi kartaa dowlad wayn oo wasiirkeedii shaqadii uu wadankiisa uu u hayay soo faaruqay,dhawaciinaa hore u sii raacay, waxaa haboonayd in masuuliyiin,wasiiro dhankeena ihi ay sii raacaan dhaawaca si ay meel ugu soo ogaadaan uguna mahadceliyaan ciddii noo soo gurmatay, taasi ma dhicin. Halka dowladaha qaar ay dhaawacii dal saddaxaad u qaadeen, Turkigu dalkiisa ayuu geeyay.

Dhinaca kale usbuucan Turkigu $10 million ayuu ku soo shubay Bangiga dhexe, sida dowladaha qaar lacagtaa sooma marsiin hayadaha caalamiga ah, kuma shubin bangiyada private-ka ah ee dalka, iyada oo cadiin ( Cash) ahna boorso kuma dhiibin ee safaaradooda dhaxdeeda ayuu ku wareejiyay lamana qarin. Waa lacag ku filan ciidamadda muddo bil ah.

Abwaan Soomaliyeed ayaa yiri: “In walaal macaan yahay ninkii Madi ahaa og” walaal wanaagii waxaa og, ninkii walaala waayay ee Turki u soo gurmaday,weliba Turkiga oo aad nooga fog kumanyaal mayl, ayaa ka soo hormaray dalal deegaan ahaan aad noogu dhaw. Qof wax bilaaba ayaa la rabaa, Turki ayaa bilaabay, kadibna waa lagu daysaday. Hore ayaa iyada oo aan madaxdu imaan Karin Soomaaliya ayuu madaxweynaha Turkigu bilaabay inuu yimaado Soomaaliya waana lagu daysaday. Turkigu dowlad uma soo gurman ee shacab ayuu u soo gurmaday. Imaam Shaafici, “Allah haka raali noqdee” ayaa yiri: “Musiibada waxaan ku jecelahay inay i kala barto Cadawga iyo saaxiibka”.

MUSIIBADII

kuwa wax qarxiyay iyo kuwa loo xilsaaray inay ka hortagaan qaraxyadu waa laba nin oo colaad isku cadaystay, keebaa shaqadiisii ka soo bixi waayay?. Lama weerarin xarun dowladeed, mid ciidan, mid shisheeye ee shacab ayaa musiibadu ku habsatay, mana jirto cid qiratay.

Waxaa la arkay haweenay 9 caruur ahi uga dhimatsy oo meydkoodii baadi goobaysa, Geerida arday rafaad wax ku soo baray oo loo hanwaynaa mustaqbaliisa . qof dan yar ah oo dhowr qoys kaligii biilayay, mid ku jiray aroos oo nolol cusub yagleelayay, laba wiil oo hooyadood intii ka hartay jirkeedii gubtay kartoon ku sida, Bus siday 31 arday oo dugsiga agoonta dhigata iyo macalimiintii qaar. Dad aan aqaan iyo kuwa aan qaraaba nahayba waa ku dhinteen, sida Soomaali badaniba ay u waayeen qaraabadoodii iyo saaxiibadoodii.

GURMADKII KALE

Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa 48 saac gurmad tadawuc ah waday iyaga oo aanan nasan, seexan. Soomaalidii ayaa dhiig bixisay inkastoo dhiigii Soomaalidu badanaa uu noqday 0+ , dadku saacada badan ayay qoraxda safaf dhaadheer ku jireen dhiig bixin. Shacabka gobalada ayaa gurmadkii iyo tacsidiiba ka qayb qaatay iyo Soomaali ku kala nool qayba badan oo caalamka ah, Isbitaaladii gaarka loo lahaa ayaa lacag la’aan ka dhigay, bacdamaa uuna jirin Isbitaal si buuxda ay dowladu u maamusho iyo Bangi dhiig oo kaafin kara.

MUXUU KA SAMEEYSNAA QARAXU?

Waxyaabaha qaraxa laga sameeyay nooma cadda, halkii laga baari lahaa waxaa lagu mashquulay siduu halkaan ku yimid Gaarigu oo kaliya. Astaamaha ku cusub qaraxaan ayaa ah : Dadkii uuna qaraxu wax yeelayn ayaa qaarkood suntii ay ku neefsadeen u dhintay, qaarna xubnaha neefsiga iyo maqaarkoodii ayaa xanuun iyo cuncun xooga dareemaya. Waxaa jira dad iyo gaadiid ay qaaday dabeeyshii qaraxa oo meeydkoodii laga helay dusha sare ee guri 4 dabaq ah oo u dhawaa goobta qaraxu ka dhacay, ha laga fogaado goobaha qaraxu ka dhaco.

Hore waxaa loo ogaa in qaraxyada badankooda ay ahaan jireen Baaruud kooban, Rinjiga guryaha la mariyo “Muralin” Gaaska cuntada lagu kariyo,Haraa Gumacyo Madaafiic iyo Hoobiyayaal hore u qarxi waayay,masaamiir iyo biro la jarjaray, waxa ugu daran ee qaraxyada Soomaaliya laga sameeyo waa “Fertalizers-ka” lagu bacrimiyo beeraha oo badanaa FAO ay dalka keento, kadibna la yiraa waa dhacday lamana ogaado meel ay ku dambeeysay,haddana mar kasta FAO waa keentaa kuwa cusub.

Haddii aad xasuusato waqtigii Dowladii kacaanka iyo kuwii ka horeeyayba ,haddii dalka ay soo gasho kiilo fertalizers ah ganacsi, wasaarada beeraha ama FAO ,waxaa laga diiwaan galin jiray wasaarada gaashaandhiga si loo ogaado tirada soo gashay dalka, kadibna warbixin ayaa lagu soo celin jiray wasaarada Gaashaandhiga halkii ay ku dambaysay, hadda la isma weeydiiyo ,dekaddana cashuur dhaaf ayaa looga soo bixiyaa mucaawinada.

YAAN CIDNA!

yaan cidina u macnayn ama uga faa’iideeysan aragti siyaasadeed oo u gaar ah, sida dowlada Qatar/Aljazeera oo ku eedaysay dowlada kale oo xurguf siyaasadeedi kala dhaxeeyso, taa oo dadka wax baaraya qalidi karta oo ka weecinee xog raadintooda.

Waxaa jira Falsafad siyaasadeed oo nuuca Micaville buugiisii the prince oo dhehaysa: Ma jirto siyaasiga fursad uga fiican musiibada ummadiisa ,waxay u tahay fursad uu dagaal ku galiyo,ku tartansiiyo horuumarinta dalka, ku hogaamiyo qaab uu rabo ama uu uga faa’iideeysto mucaaradka . Mar marna siyaasiyiintu iyagaaba sameeya musiibada si uu dadkoodu ugu midoobo, sida Gubiddii Hotel Juba waqtigii kacaankii, dib ayaan uga hadli doonaa In Sha Allaah.

GUNAANAD.

Waxaan mas’uuliyiinta ka codsanaynaa inay dabagal ku sameeyaan, si Daawada mucaawinada ah qaar aan suuqa lagu arag iyada oo laga iibinayo isla dadkii loogu deeqay. In masuuliyiintu ay dabagalaan sababta keentay in dad aan ahayn dhaawacyadii 14/10/2017 looga faa’iideeyo fursadan iyada oo weli ay jiraan dhaawacyo u baahan in dibadda loo qaado.Waxaan aqristayaasha ka codsanayaa in Jimcahan Min saddax Qulhuwale aan u aqrino una duceeyno walaalahaa naga baxay.

FG: Iga sax haddii aan khaldamay , wixii ogaal la’aani ii gaysay, aragtidaadu waa noo muhim.

Qore: Yahya Amir