Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Birmingham oo Taageeray Magacabista Jen.Maxamud Koronto

Munaasabad balaaran oo lagu taageerayo magacaabista jen.Maxamud Maxamad (Maxamud Koronto) oo khibrad ciidan oo dheer leh taageero weyna ka heesta ciidanka iyo dadweynaha ku dhaqan labada Shabeelle iyo Gobolka Banaadir.

Jen. Koronto ayaa loo magacaabay inuu noqdo taliyaha Ciidamada Labada Shabeele iyo Gobolka Banaadirayaa ah nin taageero buuxda ka haysta dadka ku dhaqan deegaanada loo magacabay, islmarkaana waa nin aqoon buuxda u leh howlaha Ciidamada.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham waxay ilaahey uga baryeen inuu fududeeyo xilkaas qaran, iyadoo xafladda ay jaaliyadu soo qaban qaabisay lagu qabtay 18 Oct 2017 magaalada Birmingham ee UK si wayn loogu taageeray magaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga ee ka howl gala labada Shabeelle iyo Banaadir