Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ku geeriyooday Dalka India Cusbitaal uu ku jiray.

Bootaan Ciise Caalin oo ahaa Mudane ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in xalay uu ku geeriyooday dalka Hindiya kadib markii halkaasi uu u tagey arrimo la xiriira xaalad caafimaad kadib markii maalmihii dambe uu xanuunsanaayay.


Xildhibaanka Eheladiisa iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Warbaahinta u cadeeyay geerida Xildhibaanka, iyadoo la sheegaayo in Xildhibaanka uu ku geeriyooday Cusbitaalkii uu ku jiray.

 

Xildhibaanka Bootaan ayaa sidoo kale ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Soomaaliya sidoo kale hada ka tirsan Barlaamanka 10-aad ee Soomaaliya waana Siyaasi caan ka ahaa Gudaha iyo Dibadda Soomaaliya.

 

Dhanka kale Alle ha u naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa ka mid ah Xildhibaanadii lagu soo doortay Magaalada Cadaado ee Gobolka Mudug.