Madaxweyne Farmaajo”Haddii Caalamka gacan nagu siin dagaalka Al-Shabaab,waxay fikrkooda gaarsiin doonaan Maraykanka ..”

Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdullahi Farmaajo oo wareysi siiyay Telefisinka Al-Jazeera ayaa sheegay in marka loo eego sida ay wax uga dhaceen isgoyska Zoobe 14 kii bishan ay cadaynayso in qaraxaas ka dambeeyaan Al-Shabab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in qaraxii Zobe uu yahay mid dhibaato badan geystay marka loo eego sida uu dhacayna ay muujinayso ficilada Al-Shabab.


“Al-Shabab aya leh ficilada noocaan oo kale ah, willibana qaraxyada noocaan oo kale ah iyagu ay yihiin kuwa horay u gaysteen, taasoo uu sheegay inay cadaynayso in Al-Shabab mas’uul ka yihiin qaraxii Zoobe ka dhacay oo galaaftay nolosha in ka badan 300 oo ruux” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sababta ay Shabab u sheegan waayeen mas’uuliyadda qaraxa ayaa sheegay inay tahay khasaaraha uu qaraxaas shacabka u geystay oo badan.

“Way sheegan lahaayeen laakiin waxay dareemeen inta uu le’eg yahay khasaaraha uu geystay sidaas ayay uga aamuuseen, laakiin ayagaa geystay” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdulaahi Farmaajo.

Madaxweynaha wuxuu caalamka ka codsaday inay dawlada Soomaaliya ku gacansiiyaan dagaalka ay Al-Shabab kula jiraan haddii kale ay fikradahooda gaarsiin doonaan dalalka Maraykanka iyo Yurub.

Dhanka kale Shababka ayaa diiday in weerarkaasi iyagu ka dambeeyeen, haddana dad badan ayaa aaminsan in Shabab ay ka dambeeyeen weerarkii dadka badan noloshooda galaaftay ee Zoobe ka dhacay.