Kooxo xiriir la leh Al-Shabaab oo weeraro ka gaystay Dalka Mozambique

Gudoomiyaha Gobolka koofutra Mozambique Cabo Delgado, Haweeyneyda lagu magacaabo Celmira da Silva ayaa sheegtay inay Dagan tahay Xaaladda Degmadda Mocimboa da Praia Halkaasi oo ay Dagaal ku soo qaadeen Dagaalyahano la sheegay inay xiriir la leeyihiin Dadka Al-Shabaab.


Ciidamo ka tirsan Booliiska Mozambique oo ka howlgala Degmadda Mocimboa da Praia ayaa Weerar kala kulmay islaamiyiin Hubeeysan, sida uu Boolisku shaaciyay, iyadoo Dagaalkaasi ay ku dhinteen 2-askari oo ka Tirsan Booliiska iyo 14 ka mid ah Kooxihii weerarka Soo qaaday, Dagaalyahanadu waxay Dileen Hugaamiye dhaqameedkii Deegaanka,Booliskuna waxay Xabsiga dhigeen 52 Ruux.

Dagaalo kale ayaa laga soo sheegay Magaalo Palma la yiraahdo oo Ciidamadda Booliiska iyo jihad doonka Hubeeysan ay mar kale ku dagaalameen.

Gudoomiyaha gobolka ay Weeradu ka dhecay Celmira da Silva ayaa sheegtay in ay Xaaaladda gobolku Daganaaan kusoo laabatay waxayna Xustay in Baaritaano ay socdaan natiijada kasoo baxdana ay u Dabaqi doonaan si uusan usoo laaban Falkii dhacay.


Gudoomiyuhu waxay sheegtay in Ciidamadda booliisku ay ku dadaalayaan sidii ay usoo Saarilahaayeen Cidda ay yihiin Kooxda Weerarka Fulisay.
Gobolka Mocimboa waxaa Dagaalamayaasha looga Yaqaanaa Al-shabaab, hase ahaatee wali lama soo bandhigin Cadeeymo Muujinaya inay Xiriir toos ah la leeyihiin Al-Shabaab.

Wargeeys Lagu Magacaabo Newssheet ayaa Baahiyay in Dagaalyahanadda loo yaqaano Al-sunna, ay Xambaarsan yihiin fikrad la mid ah midda Argagixisadda Caalamiga ah islamarkaana ay Doonayaan inay Shariicadda islaamka ku soo Rogaaan gobolka, waxayna mamnuucayaan cilmaaniyadda iyo Iibsiga Maandooriyaha.

Dhanka kale in kabadan 30 Urur oo ay leeyihiin Musimiinta Dalka Mozambique ayaa cambaareeyay Werarka kooxdaasi.