Falanqey: Wadada Maka Al Mukarama waa halka wado oo lawada isticmaalo!

Dad badan ayaa wali fahmin dhibaatada keentay in Qaraxyada intooda badan ka dhacaan wadada maka al mukarama

Maxay inta badan kooxda alshabaab ugu sahlan tahay inay wadada maka al mukarama ka Fuliyaan falal argagixisnimo ah.

Arinka ayaa Fanqayn tayda ku sooqaada nayaa

Marka hore jidadka ku dhex yaala xaafadaha u dhow wadooyinka waa weyn ee dadku isticmaalo waalawada xiray intoodo muhiimka u ah shacabka baabuurta wata

Sida wadada Tarabuunka ,wadada aada xalane, wadada aad dekada , wadada shaqaalaha, wadada dabka ,wadada sayidka. ,

Waxaa oo wada baabuurtii mari jirtay waxay way isticmaalaan wadada maka al mukarama. arinkan waa dhibaato Qatar weyn ku ah abniga shacabka isticmaalaya baabuurta. Markasta Qatarweyn ayaa dhici karta.

Markaa hadii magaalada dadkii ku noola lawada yiri hala wado isticmaalo kan afgooya kayimaada ilaa kan ka yimaada balcad

Wadada maka al mukarama ilaa xeebta liido ilaa ceelasha biyaha waa 13KM Tirada dadka istic maalikasta ugu yaraan waa 700.000kun noocyada baabuurta kala nooca ah waa ilaa 30.000 uu u dheer yihiin kuwa ciidanka.

Falanqeyn tayda waxaan ku muujinayaa in magaalo dhan halwado oo 13 km wax ka yar ah lawada isticmaali aaney ahay wax abni lagu sugu karo

arinkan wuxuu kooxda alshabaab u sahlay inay si fudud wado markasta ciriiri ah ay si fudud uga faa’iidaysato mashquulka luminaya in wax la ilaaliyo arinkaa ayaa keenay Qaraxa ku badan wadada maka al mukarama.

inta magaalada moqdisho wadooyi kii oo dhan laga wada xiray dadkii hal wado la isugu keenay Caqligan waa mid gumaysi sidan nabad lagu helimaayo.

waxaa intaa ka siidaran gooba Ganacsiga hotelada casriga ah xarumaha u muhiimsan dhaqdhaqaaqa magaalada muqdisho intuba waxay ku yaaliin wadada maka al mukarama markaa sidaan wax u arko ayaan idiin ku falanqeyey..

W/Q: Maxamed Caalim